Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay bartilmaameed ka dhiganayso xiddig u ciyaara kooxda Arsenal hadii ay ku fashilmaan saxiixa Rasmus Hojlund sida ay sheegayaan wararku.
Man United ayaa xiddiga Rasmus Hojlund ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad ee ay doonayso in ay ku xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka cusub.
Laakiin Red Devils ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaysa in ay Atalanta kala heshiiso saxiixa xiddiga iyada oo diidan in ay bixiso lacagta ay kooxda reer Italy dalbanayso.
Man United ayaa diyaar u ah in ay 60 milyan oo euro ka bixiso xiddiga Rasmus Hojlund laakiin Atalanta ayaa dalabanaysa lacag dhan 80 milyan oo euro.
Wargayska The Independent ayaa sheegaya in ay Man United si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso xiddig u ciyaara kooxda Arsenal hadii ay waayaan saxiixa xidiga Rasmus Hojlund.
Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Ten Hag doonayo saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Folarin Baloguna hadii ay waayaan saxiixa xiddiga Rasmus Hojlund.
Sii Akhriso: DEG-DEG: 4 Sarkaal Oo Loo Xidhay Qaraxii Ka Dhacay Xerada Jaalle Siyaad Ee Magaalada Muqdisho Todobaadkii Hore.

Related



Source link