Kooxda Liverpool ayaa wajahaysa khasaare dhanka dhaqaalaha ah xilli uu Sadio Mane ku dhawyahay in uu ku biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Nassr.
12 bilood kadib markii uu ka tagay Anfield kuna biiray Bayern Munich, Mane ayaa u muuqda mid mar kale suuqa la dhigay isaga oo ku dhaw in uu 30 milyan ugu biiro kooxda Al-Nassr.
Kooxda Bayern Munich ayaa 27.5 milyan euro ka bixisay xiddiga markii ay kala soo wareegaysay Liverpool xagaagii.
Laakiin waxa heshiiska ku jiray lacago guno ah oo dhan 7.5 milyan euro oo ku xidhan shuruudo gaar ah hadii uu xiddigu gaadho.
Si kasta ha ahaatee bixitaanka Mane kadib wakhti niyad jab leh oo uu ku qaatay Bayern Munich ayaa khasaare lacageed ku ah kooxda Liverpool.
Related