Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa faah faahin ka bixiyay sababtii ay ku fashilantay ku laabashadii Lionel Messi ee Barcelona.
Messi ayaa ahaa mid xor ah 3 dookh ayaana hor yaalay xiddiga kuwaas oo ah in uu ku biiro horyaalka Sucuudiga, in uu ku laabto Barcelona ama in uu ku biiro kooxda Inter Miami.
Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa iska diiday labada dookh ee kale waxana uu ku biiray horyaalka maraykanka.
Mar ay waydiisay ESPN sababtii uuna Messi ee ugu fashilmay ayaa yidhi”Aad ayaan ugu dhawayn saxiixiisa, waxa aan u baahnayn in aan xalino xaalada dhaqaale ee kooxda waxana aan u baahnayn wakhti”.
“Ugu dambayntii, waxaanu heshiis la galnay La Liga kaas oo noo fasaxay in aanu isaga ku soo darno kooxda, laakiin Messi waxa saarnaa cadaadis badan, Aabihiis ayaa ii sheegay in uu Messi doonayo in uu ka ciyaaro meel aan cadaadis lahayn”.
Sii Akhriso: DEG-DEG: 4 Sarkaal Oo Loo Xidhay Qaraxii Ka Dhacay Xerada Jaalle Siyaad Ee Magaalada Muqdisho Todobaadkii Hore.

Related



Source link