Xiddiga Neymar ayaa fure u noqon kara in ay Arsenal ku guulaysato horyaalka premier Legaue xilli ciyaareedka dambe sida uu qabo Julio Baptista.
Xiddiga reer Brazil ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda PSG iyada oo laga yaabo in uu xiddigu isgaa tago kooxda ka dhisan caasimada Frnace.
Xiddigii hore ee kooxda Arsenal Julio Baptista ayaa qaba fikirad ah in uu Neymar kooxdiisii hore ka caawin karo ku guulaysiga horyaalka hadii uu ku biiro kooxda Mikel Arteta xagaagan.
Mar la waydiiyay hadii uu tallo siin lahaa xiddiga ay isku dalka yihiin ayuu yidh”Waxan u malaynaya in uu Neymar ku faraxsanyahay PSG laakiin tallaabada ugu fiican ayaa ah in uu koox kale ku biiro”.
Mar la wyadiiyay hadii uu Neymar ku hogaamin karo Arsenal horyaalka ayuu yidhi”Maxaa diida? Arsenal waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican yurub, waan oganahay in 8-dii sano ee ugu dambaysay ayna Arsenal soo bandhigin qaab ciyaareed fiican laakiin Hataan kooxda Mikel Artea dhisayo way ka duwantahay sidii hore”.
“Waxan qabaa in uu Neymar ka caawin karo ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedka dambe hadii uu ku biiro kooxda sababta oo ah waa ciyaartoy cajiib ah”.
Sii Akhriso: DEG-DEG: 4 Sarkaal Oo Loo Xidhay Qaraxii Ka Dhacay Xerada Jaalle Siyaad Ee Magaalada Muqdisho Todobaadkii Hore.
Related