Ben Chilwell ayaa sheegay in uu doonayo in uu noqdo kabtanka cusub ee kooxda chelsea Mauricio Pochettino uusan weli dooranin bedelka Cesar Azpilicueta.
Azpilicueta ayaa ka tagay Stamford Bridge horaantii xagaagan ka dib 11 sano oo uu la joogay kooxda, afartii ugu dambeysay oo uu ahaa kabtanka kooxda.
Pochettino ayaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka qiimaynayay xiddigaha kooxdiisa si uu u ogaado cida u qalanta in uu noqdo kabtanka kooxda xilli ciyaareedka soo socda.
Reece James ayaa ah xiddiga ugu cad-cad in uu noqdo kabtanka kooxda kadib markii uu calaamada xidhay kulankii Newcastel ee saaxiibtinimada.
Thiago Silva ayaa sidoo kale u sharaxan kadib markii uu xilli ciyaareedkii hore soo xidhay calaamada.
Xiddigaha Kepa Arrizabalaga, Raheem Sterling & Enzo Fernandez ayaa sidoo kale u tartamaya masuuliyada.
markii la waydiiyay in uu noqdo kabtanka chelsea ayuu Chilwell yidhi”Haa. Waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo kabtanka. Waxaan hubaa inaad jawaabtaas ka heshay dhawr ciyaartoy”.
“Dabcan, Kooxda Kubadda Cagta Chelsea, waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo kabtanka. Waxaan ahaa kabtanka kooxda dhalinyarada ee Leicester si fiican ayaan ugu riyaaqay inaan noqdo”.

Related



Source link