Kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay dar-dar galiso xiisaha ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia.
Liverpool ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe waxana wali dhiman in ay heshiis buuxda la gaadho Southampton.
Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in ay Liverpool isku diyaarinayso in ay soo afjarto saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Wargayska Echo ayaa sheegaya in ay Liverpool dhamaystiri doonto saxiixa Romeo Lavia 72 saac ee soo socda.
Reds ayaa doonaysa in ay Liverpool doonayso dhamaystirka saxiixa xiddiga marka uu xiddiga Fabinho ku biiro kooxda Al-Ittihad.
Fabinho ayaa maanta tijaabada caafimaadka u maryaa kooxda Al-Ittihad si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.

Related



Source link