UEFA ayaa Juventus ka saartay tartamada yurub kadib markii ay jabisay sharciga dhaqaalaha.
Taas ayaa la macno ah in ay kooxda reer Talyaani ka qayb gali doonin tartanka Europa Conference League xilli ciyaareedka soo socda.
Marka laga soo tago ganaaxa, waxaa sidoo kale lagu xukumay ganaax adag oo ay soo rogtay xiriirka kubada cagta Yurub.
Uefa ayaa ku xukuntay ganaax qiimihiisu yahay £17.15, inkastoo kala badh lacagtan ay shuruud ku xidhan tahay.
Bayaan ay soo saartay Uefa waxay ku sheegtay in £8.6m ee dheeriga ah ay shaqeyn doonto kaliya haddii xisaabaadka maaliyadeed ee Juventus ee sanadaha 2023, 2024 iyo 2025 ay u hoggaansami waayaan shuruudaha xisaabaadka ee sharciyada UEFA.
Related