Xagaagan ayaa ah mid uu is badal weyn ka dhacayo Liverpool iyada oo kooxdu si weyn ugu mashquulsanayd suuqa xagaaga.
Reds ayaa ilaa haatan keentay kooxda 2 xiddig laakiin waxa ay luminaysaa 6 xiddig iyaga oo 4 xiddig qaab xor ah uga tageen.
Xiddigaha Fabinho iyo Henderson ayaa ah labadii xiddig ee ugu dambeeyay ee ka tagay kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Reds ayaa ku dhaw saxiixa Lavia kaas oo ay kala soo wareegayso kooxda Southampton maalmaha soo socda.
Klopp ayaa kulanka ugu horeeya ee xilli ciyaareedka cusub ku ciyaari doonta khad dhexe oo gabi ahaan ka duwan sidii ay ku dhamaystay xilli ciyaareedka.
Xiddigaha Lavia, Mac Allister iyo Szoboszlai ayaa la filayaa in ay ku bilowdaan shaxda Liverpool khadka dhexe hadii ay Reds ku guulaysato saxiixa xiddiga Lavia.
Related