Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atalanta ee Rasmus Højlund ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday kooxda uu ku biirayo xilli uu xiiso ka helayo kooxaha PSG iyo Man United.
Xiddiga Rasmus Højlund ayaa xiiso ka helaya kooxaha PSG iyo Man United iyada oo Atalanta diyaarinayso in ay iska iibiso xiddiga xagaagan.
Labada kooxood ayaa si Rasmi ah dalab uga gudbiyay saxiixa xiddiga iyaga oo miiska saaray dalab lacageed oo dhan 50 milyan oo euro.
Laakiin PSG ayaa Rasmus Højlund u soo bandhigtay mushahar ka badan midka ay kooxda Man United u soo bandhigtay xiddiga.
Si kasta ha ahaatee Fabrizio Romano ayaa sheegay in uu xiddiga Rasmus Højlund doortay ku biirista Man United halkii uu ku biiri lahaa kooxda Man United.
Atalanta ayaa dhinaceeda ku adkaysanaysa in ay hesho lacag dhan 70 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga reer Denmark.
Related