Tababaraha kooxda Al-Ettifaq Steven Gerrard ayaa kabtanka cusub u magacaabay Jordan Henderson.
Henderson ayaa ka soo dhaqaaqay Liverpool shalayto waxa uu la qaatay tababar laba maalmood ah oo ay isku diyaarinayeen xilli ciyaareedka cusub isaga iyo saaxiibadiisa cusub ee Al-Ettifaq.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa heshiis seddex sanno ah u saxiixay kooxda Saudi Pro League, waxaana hadda loo magacaabay kabtanka cusub.
Henderson, oo 33 jir ah, ayaa ka tagaya Anfield ka dib 12 sano oo uu la joogay Reds.
Kabtanka cusub ee kooxda Al-Ettifaq ayaa daawaday kulankii ugu horeeyay ee ay kooxdiisu ciyaartay iyaga oo 4/0 ku badiyay kulan xiiso lahaa.
Related