Xiddiga khdka dhexe ee kooxda Liverpool ee Fabinho aya ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Al Ittihad isaga oo si Rasmi ah u noqday xiddigii ugu dambeeyay ee ku biiray horyaalka sucuudiga.
Fabinho ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Al Ittihad.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in uu Fabinho si Rasmi ah u noqday xiddig u ciyaara kooxda Al Ittihad.
Fabinho ayaa ah xiddigii 2-aad ee u ciyaara Liverpool ee ka daga horyaalka sucuudiga kadib Jordan Henderson.
Liverpool ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay si Rasmi ah u shaaciso in uu xiddigu ku biiray kooxda Al Ittihad.

Related



Source link