Manchester United ayaa weli kalsooni ku qabta saxiixa Rasmus Hojlund, inkastoo Paris Saint-Germain ay dalab furitaan ah ka gudbisay xiddiga reer Denmark.
20-sano jirkaan ayaa ah dooqa koowaad ee Erik ten Hag xagaagan xilli ay Man United doonayso saxiixa weeraryahan cusub.
Hojlund ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Man United waxana uu ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono Old Trafford.
Si kasta ha ahaatee United oo iska ilaalinaysa in ay jabiso xeerka dhaqaale wanaaga ayaa haatanba suuqa galisay lacag ka badan 100 milyan iyaga oo kula soo saxiixday Andre Onana & Mason Mount.
Man United ayaa dalab furitaan ah oo 42 milyan iyo 8.5 milyan gunooyin ah ka gudbisay xiddiga laakiin Atalanta ayaa diiday dalabkaas.
United ayaa markan dalab 50 milyan oo euro iyo 10 milyan oo Guno ah ka gudbisay saxiixa xiddiga xilli ay PSG dhinaceeda dalab 50 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga.
Sida laga soo xigtay Metro kooxda Man United ayaa ku kalsoon in ay saxiixa xiddiga Hojlund dhamaystiri doonto ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub 14 bisha dambe.
Related