Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Declan Rice ayaa seegay kulankii ay Arsenal guusha ka gaadhay Barcelona kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Rice ayaa kooxda Arsenal kaga soo biiray West Ham suuqa xagaagan waxana uu ugu soo biirtay lacag rikoodh ah.
Rice ayaa ciyaaray kulamo kooxdiisa cusub todobaadyadii ugu hore.
Laakiin Rice ayaa seegay kulankii Barcelona ee xalay ka dhacay dalka maraykanka ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Sababta uu Declan Rice ku seegay kulanka ayaa ahaa dhaawac bawdada ah oo xiddiga ka soo gaadhay tababarka kooxdiisa.
Dhaawaca ayaan ahayn mid halis ah waxana looga saaray kulankii Barcelona taxadar.
Sii Akhriso: XASAASI: Jabhada Beesha Garxajis Ee Gashay Buurta Gacan Libaax Oo Afduubatay Saraakiil Cidan Iyo Odayaal
Related