Xiddiga joselu ayaa wacdaro dhigay kulankii ay kooxdiisa Real Madrid garaacday Man United isaga oo dhaliyay gool qurux badan.
Joselu ayaa hogaaminayay weerarka Real Madrid qaybtii dambe ee kulankii saaxiibtinimo ee ay la ciyaareen Man United.
Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah una ciyaareen si fiican.
Xiddiga ayaa gool wareer ah dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta isaga oo ku xaday qalbiga taageerayaasha kooxdiisa Real Madrid.
Joselu ayaa taageerayaasha Man United xasuusiyay xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo gool wareer ah oo dhabal ah ka dhaliyay Juventus wakhtigii uu joogay Real Madrid.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Goolka Uu Joselu ka dhaliyay Man United.

Sii Akhriso: XASAASI: Jabhada Beesha Garxajis Ee Gashay Buurta Gacan Libaax Oo Afduubatay Saraakiil Cidan Iyo Odayaal

Related



Source link