Kooxda Man United ayaa la kulantay guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kadib markii ay guuldaro kala kulantay Real Madrid.
Real Madrid ayaa dhinaceeda sii wadatay natiijooyinkii fiicnaa ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo dhulka ku jiiday kooxda Red Devils.
Los Blancos ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay wakhti hore dhaliyaan goolka ciyaarta ay ku furayaan.
Daqiiqadii 6-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jude Bellingham kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.
Los Blancos ayaa sii waday dadaalka halka ay Man United sidoo kale raadinaysay in ay ku soo laabtaan ku soo laabtaan ciyaarta.
Qaybta dambe ee ciyaarta ayay labada tababare sameeyeen is badal iyaga oo soo galiyay xiddigo aan qaybta hore ciyaarin.
Xilli ay ciyaartu u muuqato mid sidaas ku dhamaanaysa ayay Real Madrid wax badashay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.
Daqiiadii 89-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga cusub ee Joselu kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdisia ciyaartanaka ka dhigay 2/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guushii 2-aad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Sii Akhriso: In ka badan 60-ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay hawlgal ka dhacay gobolka Baay

Related



Source link