Kooxda Liverpool ayaa u muuqata kuwo dar-dar galinaya saxiixa xiddig ka ciyaara daafaca dhexe inta uu furanyahay suuqa xagaaga.
Sida laga soo xigtay Nacional, Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Andreas Christensen.
Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool haatanba dalab 35 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Andreas Christensen.
Tababare Jurgen Klopp ayaa si shaqsi ah maamulka kooxdiisa uga codsaday in ay u keenaan xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Si kasta ha ahaatee Barcelona ayaa isla markiiba diiday dalabka kooxda Liverpool ku doonayso saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara.
Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool saacadaha soo socda dalab cusub oo 50 milyan ah ka gudbin doonto xidiga reer Denmark.
Related