Kooxda Liverpool ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Roméo Lavia kaas oo ay ka dhigayso saxiixeedii 3-aad ee suuqa xagaaga.
Liverpool ayaa horay looga diiday dalab 37 milyan oo euro ah oo ay ku doonaysay xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Reds ayaa shalay dalab cusub miiska u saartay kooxda Southampton iyaga oo ay ka go’antahay in ay helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe xagaagan.
Dalabka cusub ee Liverpool ayaa ahaa 45 milyan oo euro oo ay ku jiraan lacago gunooyin ah oo si fudud lagu heli karo.
Saxafiga Shoomit ayaa haatan sheegaya in ay labada kooxood heshiis afka ah ka gaadheen saxiixa xiddiga kadib dalabkii 2-aad ee ay Liverpool ka gudbisay saxiixa xiddiga.
Labada kooxood ayaa haatan ku kalsoon in la dhamaystiri doono heshiiska maanta saacadaha soo socda isla markaas tijaabada caafimaadka xiddiga la marin doono.
Sii Akhriso: XASAASI: Jabhada Beesha Garxajis Ee Gashay Buurta Gacan Libaax Oo Afduubatay Saraakiil Cidan Iyo Odayaal
Related