Xiddiga kooxda Barcelona ee Ferran Torres ayaa iska diiday xiisaha uga imanaya kooxda Arsenal isaga oo sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Barcelona suuqa xagaagan
Mikel Arteta oo Ferran Torres kula soo shaqeeyay Man City ayaa doonaya in uu xiddiga keeno kooxdiisa xilli uu suuqa ugu jiro weeraryahan cusub xagaaga.
Xiddiga 23 jirka ah oo Barcelona ku soo biiray sanadkii 2022 ayay kooxdu diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Arsenal ayaa ah kooxda xiisaha u muujisay xiddiga iyada oo uu Arteta doonayo in uu kula midoobo Emirates xagaagan.
Laakiin xiddiga ayaa iska diiday ku biirista kooxda Arsenal isaga oo doonaya in uu sii joogo kooxda Barcelona una dagaalamo booskiisa.
“Magacyada xiddigaha Barcelona mar walba waa lagu arkaa suuqa”ayuu Torres yidhi.
“Anigu waxa aan Barcelona kula jiraa heshiis waanan sii joogi doonaa waxba igama galin kooxaha doonaya saxiixaysa”ayuu sii raaciyay.
Related