Tababaraha kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa sheegay in awood La’aant Kooxdiisa in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ay helayaan ay tahay weeraryahan la’aan.
Man United ayaa guuldaro kale la kulantay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kadib markii ay guuldaro kala kulmeen Real Madrid.
Man United ayaa heshay fursado fiican laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay gool u badalaan fursado ay Helen kulanka.
Mar la waydiiyay in sababta ay kooxdiisu ugu hor dhibaatoonayso goolka hortiisa ay tahay weeraryahan la’aan Erik Ten Hag ayaa yidhi”Haa taas shaki kuma jiro”.
Haatan uma baahnin xiddigo ku fiican gambiska kaliya waxa aan u baahanahay xiddigo goolal dhalin kara”.
Related