Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay Liverpool ku garaacdo saxiixa xidiga Romeo Lavia sida ay sheegayaan wararku.
Kooxda Liverpool ayaa maalmihii ugu dambeeyay dadaal ugu jirta sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddiga Romeo Lavia.
Liverpool ayaa la sheegayaa in ay heshiis afka ah la gaadhay Southampton si ay u helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Laakiin Chelsea ayaa saacadihii ugu dambeeyay si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Saxafiga Ben Jabos ayaa sheegaya in ay Chelsea diyaarinayso dalab xitaa ka sareeya midka ay Liverpool ka gudbisay saxiixa xiddiga.
Related