Mohammed Kudus ayaa muujiyay rabitaan xoogan oo ku aadan ku biirista Arsenal marka loo eego Chelsea.
Xiddiga ayaa lagu soo waramayaa in uu ka ciyaaro tartanka champions League waxana la sheegayaa in heshiiska shaqsiga uuna wax dhibaato ah noqon doonin.
Waxa jira warar sheegaya in uu xiddiga ajax ku faraxsanyahay ku biirista kooxda chelsea laakiin waxa la fahamsanyahay in uu xiddig diyaar u yahay in uu iska diido chelsea si uu ugu biiro Arsenal.
Xiddiga 22 jirka ah ayaa dooaya in uu isaga tago Ajax xilli ay kooxda reer Netherlands doonayso in ay sii haysato xiddiga.
Kudus ayaa horay loola xidhiidhinayay kooxda Man United iyada oo Erik Ten Hag doonayo in uu xiddiga kula midoobo kooxda Man United laakiin United ayaa qaboojisay xiisihii ay u qabtay xiddiga.
Chelsea iyo Arsenal ayaa haatan ku tartamaya saxiixa xiddiga waxana uu xiddiga reer Ghana doonayo in uu ku biiro Arsenal halkii uu ku biiri lahaa chelsea.
Sii Akhriso: XASAASI: Jabhada Beesha Garxajis Ee Gashay Buurta Gacan Libaax Oo Afduubatay Saraakiil Cidan Iyo Odayaal

Related



Source link