Kooxda Arsenal ayaa gabi ahaan go’aan ka gaadhay baacsiga xiddiga khadka dhexe ee kooxda Southampton ee Romeo Lavia kaas oo lala xidhiidhinayay Arsenal bilihii ugu dambeeyay.
Arsenal ayaa xiiso u qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe bilowgii xagaaga iyaga oo xitaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe.
Laakiin Gunners ayaan wax Tallaabo ah u qaadin saxiixa xiddiga maadama ay kooxdu diiday in ay bixiso lacagta 50-ka milyan ee ay ku qiimayso xiddiga.
Fabrizio Romno ayaa haatan xaqiijiyay in ay Arsenal ka baxday baacsiga xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia.
Arsenal ayaan u dhaqaaqi karin saxiixa Lavia ilaa ay iska iibiso mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican gaar ahaan xiddiga Thomas Partey.
Kooxda Arsenal ayaan wali wax dalab ah u helin xiddiga ama aan helin qiimaha ay doonayso in ay ku iibiso xiddiga.
Related