Mikel Arteta ayaa sheegay in ay goor hore tahay in la go’aamiyo cidda noqon doonta kabtan ku xigeenka xiga ee Arsenal kadib bixitaankii Granit Xhaka.
Iyadoo Martin Odegaard uu yahay kabtanka, Xhaka iyo Gabriel Jesus ayaa xidhay calaamada xilli ciyaareedkii hore.
Waxa jiray soo jeedin ah in Declan Rice uu ku soo bixi karo kabtan ku xigeenka kooxda Arsenal xilli ciyaareedka cusub.
Si kastaba ha ahaatee, Arteta wuxuu yiri: “Waxaan u baahanahay waqti dheeri ah si aan u hubinno in doorano kabtan ku xigeenka kooxda”.
“Arintu way cadahay ma doonayno in aan go’aan qaadano sababta oo ah suuqu wali wuu furanyahay lamana saadaalin karo”.
Sii Akhriso: Xubnihii 45-ka Ahaa Ee SSC-Khaatumo Maanta Lagu Dhaariyay Magaalada Lasacaanood.
Related