Xiddiga kooxda Man United ee Marcus Rashford ayaa magacaabay xiddiga ugu fiican horyaalka premier League.
Rashford ayaa xilli ciyaareedkii hore u muuqday mid soo bandhigay qaab ciyaareed fiican isaga oo ka soo laabtay qaab ciyaareed niyad jab leh.
Xiddiga 25 jirka ah ayaa dhaliyay 30 gool tartamada oo dhan xlli ciyaareedkii hore waxana uu guud ahaan u dhaliyay United 123 gool isaga oo ah xiddiga 11 ee ugu goolasha badan.
Rashford ayaa xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland u doortay xiddiga ugu fiican horyaalka premier League.
“Xilli ciyaareedkii hore xaqiiqdii Haaland ayaa ahaa xiddiga ugu fiican”Rashford ayaa yidhi markii la waydiiyay inuu magacaabo ciyaartoyga ugu fiican Premier League.
“Laakiin hadii la eego 4-tii ilaa 5-tii sano ee la soo dhaafay 100% Kiven De Bruyne ayaa ah xiddiga ugu fiican”.
Related