Kooxda Man United ayaa dalab Rasmi ah ka gudbinaysa saxiixa xiddiga kooxda Atalanta ee Rasmus Højlund sida ay sheegayaan wararku.
Man United ayaa Atalanta miiska u saartay dalab lacageed oo dhan 50 milyan oo euro iyo waliba 10 milyan oo Gunooyin ah.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Red Devils dhigeeda Atalanta miiska u saartay dalabkaas ai ay u hesho saxiixa xiddiga reer Denmark.
Si kasta ha ahaatee Romano ayaa sheegaya in ay Atalanta mar wlaba doonaysay lacag dhan 70 milyan oo euro si ay u iibiyaan saxiixa xiddga.
Kooxda PSG ayaa dhinaceeda si dhaw ula socota xaalada Rasmus Højlund iyaga oo wadahadalo kula jira wakiilka xiddiga.
Man United ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Rasmus Højlund kaas oo ogolaaday in uu ku biiro kooxda ku ciyaarta Old Trafford.
Related