Man United ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Wrexham kulan ay Red Devils sii wado isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Kulanka ayaa ahaa mid uu Ten Hag is badal ku sameeyay shaxdiisa isla markaas nasiyay dhamaan xiddigaha 1-aad ee kooxdiisa isaga oo aan ku bilaabin labada qaybood.
Ten Hag ayaa kulankan fursad xiddigaha kooxda da’yarka ah isaga oo xitaa u dhiibay tababaraha kooxda da’yarka ah si ay u helaan fursad.
Jony Evans ayaa ah xiddiga kaliya ee magaca leh ee ka ciyaaray kulanka iyada oo inta kale yihiin xiddigaha da’yarka kooxda.
Kooxda Wrexham ayaa daqiiqadii 29-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Elliot Lee kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 waxa ku xigsiiyay xiddiga Aaron Hayden kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Man United ayaa daqiqiadii 45-aad gool iska soo baday waxana dhaliyay xiddiga Marc Jurado kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Qaybta dambe ayay kooxda Wrexham dhalisay goolka 3-aad waxana dhaliyay Sam Dalby kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Man United kula gulantay guuldaradii ugu horaysay.
Related