Liverpool ayaa laga soo diiday dalab ay ka gudbisay weeraryahanka reer Japan Keito Nakamura, sida ay wararku sheegayaan.
Xiddiga 22 jirka ah ayaa u ciyaaray kooxda Austria ee LASK xilli ciyaareedkii 2022/23, laakiin Jurgen Klopp ayaa wajahaya inuu da’yarka ku waayo farqi yar oo dhanka qiimaha ah.
Nakamura waxa uu Japan u saftay laba kulan oo heerka caalami ah tan ilaa bilowgii sanadkan iyada oo kor u kiciisu yimid kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay kooxdiisa kuna dhaliyay 14 gool 31 kulan oo uu ciyaaray.
Sida laga soo xigtay wargayska Foot Mercato, Liverpool ayaa dalab 6 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Nakamura iyaga oo sidoo kale u sheegay kooxda in uu amaah kula joogi doono kooxdiisa haatan xilli ciyaareedka soo socda.
Laakiin dalabkaas waxa markiiba diiday kooxda LASK iyaga oo u sheegay Liverpool in ay bixiso 9 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga da’yarka ah.

Related



Source link