Wakiilka Patrick Dorgu ayaa sheegay in kooxda Premier League ee Liverpool ay dalab ka gudbin doonto daafaca kooxda Lecce xagaagan.
Reds ayaa horay ula soo saxiixatay Xiddigaha Alexis Mac Allister oo ay kala soo wareegeen Brighton iyo Dominik Szoboszlai oo ay kala soo wareegeen RB Leipzig xagaagan iyadoo Jurgen Klopp uu isha ku hayo heshiisyo badan.
Dorgu ayaa xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay Lecce isaga oo kaga soo biiray kooxda reer Denmark ee Nordsjaelland wuxuuna si rasmi ah ugu biiray kooxda Serie A 1-dii July isaga oo ugu biiray 200 kun oo Gini.
Xiddiga reer Denmark ayaan wax kulan ah u ciyaarin kooxda 1-aad xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa uu 38 kulan u ciyaaray kooxda 19 jirada ee Lecce.
Waxa la fahamsanyahay in ay Liverpool xiiso u qabto saxiixa xiddiga inkasta oo uuna xiddigu wax kulan ah u ciyaarin kooxda 1-aad wakiilkiisa ayaana sheegay in ay Liverpool dalab ka gudbinayso saxiixiisa.
Markii la waydiiyay in ay wax dalabyo ah u yimaadeen xiddiga uu wakiilka u yahay Ogbodo ayaa u sheegay Sport ItaliaMaya, wax dalab ah ma aysan soo gudbin, laakiin waxay u badan tahay in Liverpool dalab ka soo gudbiso saxiixiisa saacadaha soo socda, wayna xiisaynayaan saxiixiisa”.

Related



Source link