Kooxda Liverpool ayaa u muuqata kuwo ay ka go’antahay in ay hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Southamton ee Roméo Lavia inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagagaa.
Shalay ayay ahayd markii ay Southampton Ka diiday Liverpool dalab Rasmi ah oo dhan 37 milyan oo euro oo ay ku doonaysay xiddiga khadka dhexe.
Laakiin sida laga soo xigtay Fabrizio Romano Liverpool ayaa mar kale dalab cusub kula laabanaysa kooxda Southampton si ay u hesho saxiixa xiddiga Roméo Lavia suuqa xagaagan.
Saxafiga ayaa sheegay in ay Southampton iyo Liverpool ku jiraan wadahadalo isla markaas doonayaan in ay ka heshiiyaan saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Reds ayaa maanta dalab cusub ka gudbin doonta xiddiga Roméo Lavia kaas oo uu Jurgen Klopp doonayo in uu ku xoojiyo khadkiisa dhexe xilli ciyaareedka cusub.
Sii Akhriso: XASAASI: Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Somaliya Oo Loo Xidhay Qaraxii Isniintii Ciidamadu Ku Madheen.

Related



Source link