Kooxda Liverpool ayaa dalab Rasmi ah oo 2-aad ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Southampton ee Roméo Lavia sida ay sheegayaan wararku.
Liverpool ayaa doonaysa in ay si deg-deg ah u dhamaystirto saxiixa xiddiga si ay uga fogaato tartan uga yimaada kooxaha kale.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Liverpool dalab Rasmi ah oo 2-aad miiska saartay si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee  Roméo Lavia.
Liverpool ayaa markii hore laga diiday dalab 37 milyan oo euro ah laakiin Reds ayaa haatan miiska u saartay kooxda Southampton lacag dhan 42.5 milyan euro iy waliba lacag dhan 2.5 milyan oo Guno ah.
Sidaas Darteed guud ahaan Liverpool ayaa xiddiga ku dalbatay lacag dhan 45 milyan oo euro si ay u helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Related



Source link