Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Bayern Munich ayaa ku kalsoon in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Harry Kane inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan (Sky Sport).
Agaasimaha Bayern Munich ayaa u duulay London si ay wadahadalo Rasmi ah ula yeeshaan maamulka Tottenham (Mirror).
PSG ayaa sugaysa in ay hesho dalabyo lacag iyo xiddigo ah oo ay kooxaha reer yurub ku doonayaan saxiixa xiddiga Kylain Mbappe kuwaas oo kala ah Chelsea, Manchester United, Tottenham, Inter Milan & Barcelona Xilli ay Ah Hilal diyaar la tahay lacag dhan 300 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga 24 jirka ah (Independent).
Goolhayaha kooxda Brentford David Ray ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Bayern Munich (Gazzetta).
Inter Milan ayaa dhinaceeda ku dhaw Goolhayaha Bayern Munich ee Yann Sommer (Gazzetta).
Kooxda chelsea ayaa ku dhaw in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadho xiddiga Ajax ee Mohammed Kudus (Caught Offside).
Kooxda Liverpool ayaa ku rajo weyn in ay saacadaha soo socda dhamaystirto saxiixa xiddiga kooxda Southampton ee Romeo Lavia (Athletic).
Kooxda Man City ayaa u sheegtay xiddiga Bernardo Silva in ayna doonayn in ay iibiyaan xiddiga xagaagan (90min).
Kooxda West Ham ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Man United iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga Scott McTominay iyo Harry Maguire si ay ugu xoojiso kooxdeeda (Sky Sport).
Xiddiga Liverpool ee Fabinho ayaa u muuqda mid sii joogi doona kooxda Liverpool xilli uu bur-buray heshiiskii uu ugu biirayay Al-Ittihad (Athletic).
Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Joshua Kimmich ayaa u sheegay kooxaha Man City iyo Liverpool in uu meelna uga socon kooxda Bayern (Sky Germany).
Kooxda Man City ayaa isgaa hadhi doonta xiisaha saxiixa xiddiga Rasmus Hojlund hadii ayna Atalanta hoos u dhigin qiimaha 86 milyan ee ay ku qiimayso xiddiga waxana ay badalkiisa isha ku haysaa xiddiga kooxda Eintracht Frankfurt ee Randal Kolo Muani (The Times).
Kooxda Man United ayaa loo soo bandhigay saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee David Alaba (El Nacional).
Kooxda Man United ayaa xidhiidh la samaysay wakiilka xiddiga Kylian Mbappe iyaga oo doonaya in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa suuqa xagaaga (ESPN).
Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa u sheegay kooxdiisa in uu doonayo in uu sii haysto xiddiga Kyle Walker (BBC).

Related



Source link