Kabtanka kooxda Liverpool ee Al Ettifaq ayaa si Rasmi ah ugu biiray kooxda Al Ettifaq isaga oo afjaray sanado badan oo uu u ciyaarayay kooxda Liverpool.
Henderson ayaa haatan ku sugan dalka Croatia si loogu soo bandhigo xiddig Al Ettifaq ah kuna biiro tababarka saaxiibadiisa cusub.
Jordan Henderson ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ka ciyaari doono horyaalka sucuudiga iyo kooxda uu hogaamiyo Steven Gerrard.
Kabtan Henderson ayaa Liverpool u ciyaaray 492 kulan tartamada oo dhan waxana uu dhaliyay 39 gool halka uu caawiye ka noqday 74 kulan.
Xiddiga reer England ayaa Liverpool kula guulaystay 8 koob waxana uu isku qoray taariikhda Liverpool maadama uu noqday kabtankii ugu horeeyay ee Liverpool ku hogaamiya Premeir League.
Related