Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa sheegay in kooxdu ay horumar ka samaynayso raadinta weeraryahan cusub.
United ayaa wadahadalo kula jirta Atalanta Rasmus Hojlund.
Ten Hag oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxaan sameyneynaa horumar laakiin waan ognahay sida ay u shaqeyso”.
Isagoo ka hadlayay San Diego ka hor kulanka Arbacada ee Wrexham iyo Real Madrid Khamiista ayuu sii raaciyay “Waxa aan dhihi karo waa inaan sameyno wax walba oo awoodeena ah si aan u dhammeyno heshiiska weeraryahanka”.
“aniga ahaan, goor hore ayaa fiican in la keeno xiddigaha si ay ula qabsadaan kooxda iyo qaabka aan u ciyaarno”.
“Xaalada ugu fiican ayaa ahaan lahayd in uu mar hore halkan joogo laakiin mar walba sida aad doonaysid wax uma helaysid hadii aad tababare tahay”.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo ucodeeyay Furista dastuurka & Madaxweyne Deni Oo Helay Wixii Uu Doonayay.

Related



Source link