Xiddiga Fiorentina Sofyan Amrabat ayaa diiday isku day wakhti dambe ah oo ay Liverpool isku dayday si uu ugu biiro kooxda Man United isaga oo heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Red Devils.
Xiddiga reer Morocco ee khadka dhexe ayaa ku dhaw in uu ka tago kooxda Fiorentina kuwaas oo doonaya in ay iska iibiyaan xiddigo si ay u helaan lacag ay ku xoojiyaan kooxda.
Koxda reer Talyaani ayaa isku dayday in ay Amrabat ka iibiyaan Barcelona suuqii January iyaga oo diyaar u ahaa in ay kaga iibiyaan 25 milyan oo euro.
Kooxda Man United ayaa ka war qabta in ay Fiorentina aad ugu baahantahay lacag isla markaas ay iibinayso xiddiga khadka dhexe.
Liverpool oo ku dhaw in ay lumiso Fabinho iyo Jordan Henderson ayaa isku dayday in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Corriere della Sera, Amrabat ayaa iska diiday dalabkii ay Liverpool ka soo gudbisay saxiixa xiddiga waxana uu doortay ku biirista United.
Sii Akhriso: Ciidanka xoogga dalka Somaliya Oo Nawaaxiga Degmada Waajid ku dilay 25 Al-Shabaab Ah.

Related



Source link