Romeo Lavia ayaa lagu soo waramayaa in uu ka xanaqay kooxdiisa Southampton kadib markii ay Liverpool ka diiday dalab aya ka gudbisay saxiixiisa.
Reds ayaa Romeo Lavia ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad ee suuqa xagaaga si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe iyada oo Klopp raadinayo badalka Jordan Henderson.
Xiddiga Romeo Lavia ayaa wakhti horebe heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Liverpool waxana uu ogolaaday in uu ka hoos ciyaaro tababare Klopp.
Sida laga soo xigtay Express Sport, xiddiga Romeo Lavia ayaa ka niyad jabay kooxda Southampton kadib markii ay diiday dalab ay Liverpool ka gudbisay saxiixa xiddiga.
Wararka ayaa sheegaya in uu Romeo Lavia kooxdiisa Southampton u sheegay in uu doonayo ka ciyaaro Liverpool xilli ciyaareedka dambe.
Xiddiga reer Belguim ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu warqada bixitaanka u gudbiyo kooxda si uu ugu qasbo in ku biiro Reds.
Related