Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Man United ayaa diyaarinaysa dalab cusub oo ay ku doonayso xiddiga kooxda Atalanta ee Rasmus Hojlund (Mail).
United ayaa diyaar u ah in ay kaliya bixiso lacag dhan 60 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga Rasmus Hojlund (Timers).
Man United ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddigaha Randal Kolo Muani iyo Mohammed Kudus (Mirror).
Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa doonaya saxiixa Goolhaye cusub waxana uu doonayaa saxiixa Goolhyaha Fenerbahce Altay Bayindir (Goal).
Kooxaha Barcelona, Man United, Arsenal, Al-Hilal iyo Chelsea ayaa dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe (Telegraph).
Kooxda Al-Hilal ayaa dalab 300 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Mbape iyaga oo mushahar waali ah u soo bandhigay xiddiga (Fabrizio Romano).
Xiddiga PSG ee Kylian Mbappe ayaa hal sano ku biiri doona kooxda Al-Hial ka hor inta uuna ku biirin Real xagaaga dambe (Times).
Kooxda Barcelona ayaa si buuxda uga baxday tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Kylian Mbappe (Marca).
Hadii uu Mbappe ku biiro kooxda Al-Hilal waxa ay 100 milyan oo euro ku dalban doontaa xiddiga Harry Kane (Independent).
Heshiiskii ay kooxda chelsea ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Moises Caicedo ayaa joogsaday kadib markii ay Brighton dalbatay in heshiiska lagu daro Levi Colwill (Guardian).
Kooxda Liverpool ayaa tallaabo u qaaday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda southampton Romeo Lavia(Echo).
Kooxda Man United ayaa Fiorentina kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Sofyan Amrabat (footballtransfers).
Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay lacag 53 milyan ah iyo waliba Gabriel Marttinelli miiska u saarto kooxda PSG si ay u hesho saxiixa xiddiga Kylian Mbappe (footballtransfers).
Xiddiga Ousmane Dembele ayaa laga yaabaa in uu noqdo xiddigaha ku biiraya horyaalka sucuudiga inta uu furanyahay suuqa xagaagan (footballtransfers).
Xiddiga Tottenham ee Harry Kane ayaa doorbidaya in uu ku biiro Manchester United Halkii uu ku biiri lahaa Bayern Munich (Sportsomle).
Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab cusub ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Douglas Luiz (Sportsomle).
Sii Akhriso: XASAASI: Hay’adda Caafimaad Oo Joojisay Adeegyadii Caafimaad Ee Ay Ka Wadeen Lasacaanood, Sabab.
Related