Sofyan Amrabat ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Manchester United, waxaana uu noqonayaa saxiixii seddexaad ee kooxda xagaagan, sida ay sheegayaan wararku.
Man United ayaa Fiorentina kala heshiisay saxiixa xiddiga Amrabat, sida uu sheegay saxafiga reer Morocco ee Izem Anass.
Tijaabada caafimaadka ayaa lagu soo waramayaa in la qorsheeyay ka hor inta aan la dhameystirin u wareegistiisa Old Trafford.
Amrabat, oo u soo xaadiray tababarka Fiorentina maanta ka dib fasax dheeri ah, ayaa qandaraas kula jira ilaa June 2024 waxana lagu qiimeeyaa 30 milyan oo euro.
26-jirkan oo Fiorentina ku sugnaa tan iyo 2020-kii, waxa uu wacdaro ka dhigay koobkii adduunka ee 2022 isaga oo sumcaddiisa sare u qaaday, taas oo keentay in xiisaha kooxaha ugu waaweyn yurub.
Sii Akhriso: XASAASI: Hay’adda Caafimaad Oo Joojisay Adeegyadii Caafimaad Ee Ay Ka Wadeen Lasacaanood, Sabab.
Related