Kooxda Liverpool ayaa Si Rasmi ah wadahadalo ula furtay kooxda Southampton iyaga oo doonaya saxiixia xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia sida ay sheegayaan wararku.
Liverpool ayaa Romeo Lavia u aragta badalka Tooska ah ee Fabinho kaas oo ku dhaw in uu ka tago kooxda Liverpool kuna biiro koox ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Sida laga soo xigtay saxafiga Florian Plettenberg, Liverpool ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Romeo Lavia kaas oo ay doonayso in ay ka dhigto saxiixeedii 3-aad ee suuqa xagaaga.
Isla saxafiga ayaa sheegay in ay Liverpool wadahadalo la furtay kooxda Southampton si ay ugala heshiiso saxiixa xiddiga khadka dhexe suuqa xagaaga.
Liverpool ayaa la filayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixa xiddiga saacadaha soo socda iyaga oo dalabkooda ku bilaabi doona lacag dhan 40 milyan oo euro.
Lavia ayaa mar hore go’aansaday in uu ku biiro kooxda Liverpool waxana uu maamulka kooxdiisa u sheegay in ay u ogolaato in uu ku biiro Liverpool xagaagan.
Sii Akhriso: XASAASI: Hay’ad Caafimaad Oo Joojisay Adeegyadii Caafimaad Ee Ay Ka Wadeen Lasacaanood, Sabab.
Related