Jadon Sancho ayaa ku qasbi kara Erik ten Hag inuu dib uga fikiro baacsiga uu ugu jiro xiddiga Rasmus Hojlund.
Sida caadiga ah xiddiga Sancho ayaa ka ciyaara garabka weerar laakiin Ten Hag ayaa doonaya in uu xiddiga 23 jirka ah ka ciyaarsiiyo weerarka tooska ah isaga oo kulamo ku tijaabiyay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Ten Hag ayaa xiddiga reer England doonaya in uu ka dhigo weeraryahan taas oo keeni karta in ay Man United ka laabato baacsiga ay ugu jirto weeraryahanka Rasmus Hojlund.
Sida laga soo xigtay Express, Sancho ayaa Ten Hag ku qasbi kara in uu ka laabto raadinta weeraryahan cusub kadib wixii uu ka arkay Sancho ilaa haatan kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Arintan ayaa la macno ah in ay Man United ka laabato xiisaha ay u qabto weeraryahanka kooxda Atalanta ee Rasmus Hojlund kaas oo ay ku dhibaatoonayso in ay kala heshiiso qiimaha.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo ucodeeyay Furista dastuurka & Madaxweyne Deni Oo Helay Wixii Uu Doonayay.

Related



Source link