Mohammed Kudus ayaa seegay tababarka Ajax xilli ay xiiseynayeen kooxaha Chelsea iyo Arsenal.
Sida laga soo xigtay saxafiga Ben Jacobs, Chelsea ayaa ku dhow inay Ajax kala heshiiso saxiixa Kudus, halka Arsenal ay sidoo kale xiiseyneyso xiddiga reer Ghana.
Jacobs sheegay inkasta oo ay chelsea hogaaminayso tartanka loogu jiro Saxiixa Kudus hadana Arsenal ayaa xiiso dhab ah u haysa xiddiga.
Si kastaba ha ahaatee, Gunners ayaa u baahan inay iibiso xiddigo kooxdeeda ah ka hor inta ayna u dhaqaaqin saxiixa Kudus kadib markii ay suuqa galisay 200 kulana soo wareegtay Declan Rice, Jurrien Timber iyo Kai Havertz.
Kudus ayaa Ajax kula jira heshiis ilaa 2025 ah, laakiin waxa uu hore u diiday heshiis cusub oo ay u soo bandhigtay kooxdu bishii April isaga oo rajaynaya in uu ka tago kooxda xagaagan.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo ucodeeyay Furista dastuurka & Madaxweyne Deni Oo Helay Wixii Uu Doonayay.

Related



Source link