Manchester United ayaa loo sheegay inay noqon doonto kooxda ugu cadcad ku guuleysiga Premier League hadii ay la soo wareegaan Harry Kane.
Tan iyo markii uu furmay suuqa kala iibsiga xagaagan, mustaqbalka Kane ee Tottenham ayaa ah mid si weyn loo hadal hayay.
Spurs ayaa ilaa hadda ku adkaysanaysa in ayna kabtanka England ku iibinayn wax ka yar 100 milyan oo euro.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, kooxda Bayern Munich ayaa laga soo diiday labo dalab oo ay ka gudbisay kooxda Waqooyiga London.
Waxaa si weyn loo hadal hayaa in United ay raadineyso weeraryahan cusub waxaana lala xiriirinayaa Kane iyo Atalanta Rasmus Hojlund.
Guddoomiyaha Peterborough Darragh MacAnthony ayaa ku booriyay United inay la soo wareegaan Kane, isagoo sheegay inay ka dhigi doonto kooxda ugu cadcad hanashada horyaalka.
Isaga oo la hadlaya talkSPORT, waxa uu yidhi: “Haddii Manchester United ay doonayso inay gasho tartanka horyaalka ee saxda ah, Waa in ay soo iibsadaan Harry Kane”.
“Waxay noqon doonaan kuwa ugu cadcad in ay Man City ku garaacaan horyaalka premier League, in aad 100 milyan ka soo bixiso weeraryahan noqon doona xiddiga ugu goolasha badan waa mid fiican”.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Qarax Ay Ku Madheen Ciidamada Somaliya Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Related



Source link