Kooxda Liverpool ayaa bar-baro la gashay kooxda Greuther Furth kulan ka tirsanaa isku diyaarinta kooxda ee xilli ciyaareedka cusub.
Kulanka oo ahaa midkii ugu dambeeyay ee Liverpool ka hor inta ayna u duulin bariga fog ayaa ku dhamaaday bar-baro 4/4 ah.
Liverpool ayaa daqiiqadii 22-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Luiz Diaz kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta qyabteeda hore.
Klopp ayaa qaybtii dambe is badal ku sameeyay shaxdiisa waxana uu soo galiyay 11 xiddig oo cusub.
Daqiiqadii 47-aad ayay kooxda Greuther Furth dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jullian Green kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Laakiin Darwin Nunez ayaa laba gool oo deg-deg ah is raacsaday kadib markii uu daqiiqadihii 50-aad iyo 59-aad kala dhaliyay 2 gool.
Kooxda Greuther Furth ayaa ciyaarta ka dhaliyay 3 gool oo waxana ay ciyaarta ka dhigtay 4/3 ay ku hogaaminayaan ciyaarta.
Mohamed Salah ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta kooxdiisa ku soo celiyay ciyaarta kana dhigay 4/4 ay labada kooxood bar-baro ku yihiin sidaasna ugu dhamaatay ciyaartu.
Sii Akhriso: HALIS: Ra’iisal Wasaaraja Itoobiya Oo Ku Hanjabay In Ay Xoog Ku Qabsan Doonaan Dekkedaha Somalida.

Related



Source link