Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Madaxweynaha Kooxda Tottenham ayaa si Rasmi ah u ogolaaday in la iibiyo Harry Kane hadii uu diido in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda (Telegraph).
Kooxda Man United ayaa heegan buuxa gashay kadib go’aanka Tottenham iyaga oo dib u soo celiyay xiisaha ay u qabaan xiddiga (Mirror).
Bayern Munich ayaa diyaarinayda dalab kama dambays ah oo ay ka gudbinayaan saxiixa xiddiga iyaga oo u soo bandhigaya xiddiga heshiis 4 sano ah (Bild).
Kooxda chelsea ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddiga kooxda Crystal Palace ee Michael Olise iyada oo kuu haatanba heshiis la gadhay xiddiga (RMC Sport).
Kooxda Man City ayaa dhinaceeda doonaysa saxiixa xiddiga Olise iyaga oo u doonaya badalka xiddiga Riyad Marez (Romano).
Kooxda Al-Hilal ayaa dalab Rasmi ah miiska u saartay kooxda PSG si ay u hesho saxiixa xiddiga Mbappe suuqa xagaagan (Tancredi Palmeri).
Kooxda Real Madrid ayaa PSG ka codsanaysa in ay qiimo dhimis 30 milyan ah ugu samayso saxiixa xiddiga Kylian Mbappe (90min).
Chelsea ayaa ka niyad jabsan dadaalda ay doonayso in ay ku iibiso xiddiga Romelu Lukaku xili ay ilaa haatan ku dhibaatoonayso in ay iska iibiso xiddiga (Gazzetta dello Sport).
Ku Biiristii Fabinho ee Al-Ittihad ayaa halis ugu jirta sabab la xidhiidha Eeyo uu xiddigu leeyahay oo aan laga ogolayn sucuudiga (Express).
Xiddiga kooxda Atalata ee Rasmus Hojlund ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Man United inta uu furanyahay suuqa xagaaga (Teamtalk).
Kooxda Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda PSG ee Marco Verratti (90min).
Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Joshua Kimmich (Fichajes).
Kooxaha Man United iyo Man City ayaa sidoo kale xiiso u qaba saxiixa xiddiga kooxda Bayern Munich ee Joshua Kimmich (Fichajes).
Daafaca kooxda Monaco ee Axel Disasi ayaa dagaal dhex dhigay kooxaha Arsenal, chelsea iyo Man United (Sun).
Sii Akhriso: Saraakiil Ka Tirsan Wasaarada Maaliyada Oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Magaalada Muqdisho.

Related



Source link