Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay iska diiday fursad ay kula saxiixan lahayd goolhayaha kooxda Man United ee Inter Milan kadib markii ay Inter isku dayday in ay dagaal qiimaha ah ka dhex bilowdo kooxaha Man United iyo chelsea.
27 jirkan ayaa 51 milyan oo euro ugu biiray Old Traford todobaadkii hore kadib muddo dheer oo ay ku raad joogtay saxiixa Goolhayaha.
Goolhayihii hore ee Ajax ayaa ahaa dookha 1-aad ee Erik Ten Hag si uu ugu badalo David De Gea kaas oo ka tagay 1 bishan.
Inter ayaa si cad u sheegtay bilowgii wadahadalada in ay iibinayso xiddiga si ay kooxo kale ugu marti qaado tartanka loogu jiro Onana.
Kooxda Inter ayaa xitaa saxiixa Goolhayaha u soo bandhigtay chelsea si ay u hesho tartan loogu jiro saxiixa si ay qiimaha kor ugu qaado.
Si kasta ha ahaatee kooxda chelsea ayaa iska diiday saxiixa Goolhayaha sida laga soo Athletic sabab la xidhiidha in uu Pochettino muhiimada siinayo boosas kale.
Sii Akhriso: Saraakiil Ka Tirsan Wasaarada Maaliyada Oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Magaalada Muqdisho.
Related