Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab 39 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda Crystal Paalce ee Michael Olise xilli uu xiddiga da’yarka ah diyaar u yahay in uu ku biiro Blues.
Si kasta ha ahaatee Blues ayaa tartan adag kala kulmaysa kooxda Man City kuwaas oo xiddiga garabka ka ciyaara u arka badalka Riyad Mahrz.
Mahrez ayaa ku dhaw in uu ku biiro Man City isaga o ku dhaw ku biirista kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Ahli.
Laakiin hadii ay City doonayso saxiixa Olise waxa ay u baahanyihiin in ay si deg-deg ah u dhaqaaqaan iyada oo wargayska RMC Sport sheegayo in ay chelsea sidoo kale doonayso saxiixa xiddiga.
Xiddiga 21 jirka ah ayaa horay loola xidhiidhinayay kooxaha Arsenal, Lverpool iyo PSG bishii April waxana la sheegay in uu doonayo in uu sii joogo Palace si uu u sii wato horumarkiisa.
Olise ayaa ka mid a xiddigaha da’yarka ah ee ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii hore waxana uu ku riyaaqay qaab ciyaareed cajiib ah.
Sii Akhriso: Al-Shabaab Oo Iska Hor Keenaysa Beelaha Somaliya Si Ay Uga Faa’iidaystaan Dagaalada Maleeshiyooyinka La Dagaalamaya.
Related