Arsenal ayaa u muuqata kuwo ka faa’iidaya khal-khalka kooxda PSG sida ay sheegayaan wararka ka imanaya England.
Kooxda PSG ayaa ku jirta khal-khal iyada oo xiddiga Kylian Mbappe diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer France.
Mbappe ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda PSG waxana ay kooxda reer France go’aamisay in ay iska iibiso xiddiga halkii ay xor ku waayi lahayd.
Xiddiga Mbappe ayaa haatanba dalab waali ah oo 300 milyan oo euro ka helay kooxda Al-Hilal kuwaas oo Kooxda PSG miiska u saaray dalab Rasmi ah.
Kooxda Arsenal ayaa ah koox ka faa’iidaysan karta xaalada ay ku jirto kooxda PSG inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
PSG ayaa la filayaa in ay suuqa u gasho badalka Mbappe waxana haatanba lala xidhiidhinayaa xiddigo badan oo ka ciyaara kooxaha reer yurub.
Waxa ka mid ah xiddigaha lala xidhiidhinayo xiddiga kooxda Arsenal ee Folarin Balogun kaas oo ay Arsenal ku qiimayso lacag dhan 50 milyan oo euro.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Qarax Ay Ku Madheen Ciidamada Somaliya Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Related



Source link