Mikel Arteta ayaa uga digay jamaahiirta Arsenal in ay waqti qaadan doonto in Declan Rice uu la qabsado kooxda ka dib markii uu ku dhibtooday kulankii saaxiibtinimo ee ay la ciyaareen Manchester United.
Arsenal ayaa guuldaro kala kulanty kooxda Man United kadib goolal ay dhaliyeen Bruno Fernandes iyo Jadon Sancho taas oo soo afjartay 3 kulan oo guuldaro la’aan ah.
Gunners ayaa ku dhibaatootay in ay u ciyaaraan koox ahaan qaybtii hore Rice, Havertz iyo Odegaard ayaa ku dhibaatooday in ay maamulaan khadka dhexe.
Markii Arteta la waydiiyay xiddigaha khadka dhexe ee kooxdiisa waxa uu sheegay in uu sii wadi doono Rice, Havertz iyo Odegaard” Marka ay wada ciyaaraan 55 kulan waay fiicnaan doonaa, way is fahmi doonaan laakiin wax walba wakhtiga ayay u baahanyihiin”.
Kulankan ayaa ahaa midkii 2-aad ee uu Rice u ciyaaro Arsenal kadib markii uu 105 milyan ugu biiray kooxda Arsenal todobaadkii hore.

Related



Source link