Kooxda Man City ayaa guuls oo laabasho leh ka gaadhay kooxda Yokohama F Marinos kulan Man City laba gool looga naxsday.
Kooxda Yokohama F Marinos ayaa Man City uga naxsatay 2 gool oo wakhti hore ah kadib markii 27 daqiiqo laga dhaliyay 2 gool.
Pep Guardioal ayaa shax adag ku soo galay isaga oo shaxdiisa ku bilaabay xiddigo ay ka mid yihiin Jack Grealish, John Stones & Kyle Walke.
Xiddiga Anderson Lopes ayaa daqiiqadii 27-aad u dhaliyay gool kooxdiisa Yokohama F Marinos ka hor inta uuna xiddiga daafaca Midig ka ciyaara ee Ko Matsubara dhalin goolka 2-aad ee kooxdiisa.
John Stones ayaa daqiiqadii 41-aad gool ka soo baday kooxdiisa ka hor inta uuna Julian Alvarez bar-baraha dhalin qaybtii dambe.
Xiddiga reer Argentine ayaa 2 daqiiqo kadib dhaliyay gool kale kadib markii uu Goolhayaha kooxda ka soo hor jeeda khalad waali ah samayn.
Guardiola ayaa qaybtii dambe sameyay 11 badal isaga oo shaxdiisa ku bilaabay Ruben Diaz, Joao Cancelo, Aymeric Laporte, Rodri, Rico Lewis, Bernardo Silva, Phil Foden, Oscar Bobb, Sergio Gomez & Erling Haaland.
Kaliay 7 daqiiqo ayay Haaland ku qaadatay in uu dhaliyo goolka kadib markii uu baas cajiib ah ka helay Phil Foden sidaasna gool ugu badalin fursadaas.
Rodri ayaa dhalyay goolka 4-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/2 ay Man City ku hogaaminayso ciyaarta.
Kooxda Yokohama F. Marinos ayaa daqiiqadii 86-aad dhalisay goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Inoue kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/3.
Laakiin Haaland ayaa dilay ciyaarta Kadib markii uu gool u badalay fursad uu ka hela xiddiga Cancelo.

Related



Source link