Ciyaaryahankii hore ee Manchester City iyo Chelsea Shaun Wright-Phillips ayaa sheegay inuusan ‘ka walwalsanayn’ Arsenal tartanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda.
Arsenal ayaa ku dhawaatay in ay ku guulaysato horyaalkeedii ugu horeeyay tan iyo 2004tii xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa ay ugu dambayn ku fashilantay ku guulaysiga horyaalka.
Gunners ayaa u muuqata kuwo u tartami doona horyaalka mar kale kadib markii uu Mikel Arteta xoojiyay kooxdiisa lana soo saxiixday Declan Rice, Kai Havertz & Jurrien Timber.
Laakiin Wright-Phillips ayaan ka wel-welsanayn Arsenal waxana uu sheegay in ay jiraan kooxo badan oo is xoojiyay kadib markii ay City ku guulaystay horyaalka.
Kama wal-walsani Arsenal xilli cyaareedka soo socda”ayuu yidhi xiddigii hore ee England.
“Waxa jira kooxo badan oo is xoojiyay kadib xilli ciyaareedkii hore”.
“Waxaan qabaa inay jiri doonaan fursado badan oo kooxaha kale ay isku dayi doonaan inay soo qabtaan Man City”.
Sii Akhriso: Golaha Wakiilada Somaliland Oo Gudoomiye Cusub Doortay
Related