Xiddiga kooxda Arsenal ee Bukayo Saka ayaa ka hadlay kulankii ay kooxdiisu guuldarada kala kulantay kooxda Man United kulan ka tirsanaa kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Bukayo Saka ayaa rajaynaya in Arsenal ay horumar ka samayn karto dhinaca jidh ahaanta isla markaas xiddigaha cusub kooxda la qabsan doonaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
“Sida iska cad waa ay adag tahay in la qaato natiijadan hadii ay tahay saaxiibtinimo ama kulan caadi ah”ayuu yidhi Saka.
“Wax ayaan ka baran doonaa, runtii sidan oo kale laba gool uma dhiibi karno sida aan u dhiibnay sababta oo ah way adagtahay in lagu soo laabto natiijada, waa in aan wax ka barano”.
“Awooda jidh ahaandeed waa in aan aadno halkii aan joognay xilli ciyaareedkii hore, waxana aan u baahanahay in ay xiddigaha cusub la qabsadaan kooxda”.
“Waxa aan u baahanahay in aan fahano ciyaarteena, sida aan cadaadiska u wadno si aan diyaar ugu noqono kulankeena ugu horeeya ee xilli ciyaareedka dmabe”.

Related



Source link